Waa maxay takoorid?
(Vad är diskriminering?)
Takoorid waxa loola jeedaa in si xun laguula macaamilo marka cid kale lagu barbar dhigo. Swiidhan waxaa ka jira xeer takoorid oo mamnuucaya takooridda. Laakiin marka xeerarka macnihiisa loo eego caddaalad darro ula dhaqmid kasta maaha takoorid.
- 1. Waa in ay ku saabsanaataa dhacdo qof looga eexanayo ama sharafta looga ridayo
- 2. Ka eexashada ama sharaf rididdu waa in ay la xiriirto mid ama dhawr ka mid ah todobada gundhigga u ah takooridda
- 3. Dhacdadu waa in ay ku saabsanaataa wax ka mid ah lixda qaab ee takooridda ee xeerka ku jira
- Mamnuucid ku aaddan aar goosasho
- 4. Dhacdadu waa in ay ka dhacday mid ka mid ah aagagga bulshada ee uu xeerku khuseeyo
- Fasaxa waalidka in qofka lagu takooro waa mamnuuc
Marka si sahlan loo dhigo waxaa la oran karaa qeexidda xeerka takooriddu wuxuu ka koobanyahay afar shuruudood. Si dhacdo loogu qiimeyn karo in ay takoorid tahay waa in dhammaan shuruudaha afarta ah ay buuxsamaan.
- Waa in ay ku saabsanaataa dhacdo ama xaalad qof lagu dulminayo ama sharafta looga ridayo.
- Dulminta ama sharaf rididdu waa in ay la xiriirto mid ama dhawr ka mid ah todobada aasaasyada takooridda (tusaale ahaan jinsi ama da').
- Dhacdadu waxay ku saabsanaan kartaa wax ka mid ah lixda qaab ee takooridda ee xeerka ku jira (tusaale ahaan takoorid toos ah ama silcin).
- Dhacdadu waa in ay ka dhacday mid ka mid ah aagagga bulshada ee uu xeerku khuseeyo (tusaale ahaan nolosha shaqada ama suuqa deegaanka).
Xitaa haddii shuruudaha oo dhan ay buuxaan ma hubna in dhacdada loo arkayo in ay takoorid tahay. Mararka qaarkood waxaa jira xeerar kale iyo shuruuc waxa saameyneysa. Tusaale ahaan haddii uu canug 18 ka yar-yahay aan khamri lagu siin maqaayad, looma arkayo taas in ay tahay takoorid xagga da'da ah, maxaa yeelay waxaa jira xeer kale, xeerka khamriga, oo maqaayadaha ka mamnuucaya in ay dhallinyarada 18 sano ka yar khamri siiyaan. Waxaa sidoo kale jiri kara waxyaabo kale oo keenaya in aan dhacdo takoorid lagu qiimeyn. Mar walba waa in xaalad kastaba kaligeed qiimeyn loogu sameeyo.
1. Waa in ay ku saabsanaataa dhacdo qof looga eexanayo ama sharafta looga ridayo
(Det ska handla om en händelse som missgynnar eller kränker en person)
Ka eexasho waxay ka dhigantahay in qof la dhigayo meel ka liidata kuwa kale ama uu waayayo wax wanaajin ah, wax faa'iido u ah ama adeeg. Waxay tusaale ahaan ku saabsanaan kartaa in aan qof loo wicin wareysi shaqo, aan loo oggolaan in uu aado waxbarasho, in uu dukaan ka adeegto, in aan maqaayad loo sii deyn ama in aan loo oggolaan in uu kireysto gaari ama deegaan.
2. Ka eexashada ama sharaf rididdu waa in ay la xiriirto mid ama dhawr ka mid ah todobada gundhigga u ah takooridda
(Missgynnandet eller kränkningen ska ha samband med en eller flera av de sju diskrimineringsgrunderna)
Si dhacdo loogu arko in ay takoorid tahay waa in ay sidoo kale la xiriirto mid ama dhawr ka mid ah kuwa loogu yeero gundhigyada takooridda. Sida sharciga ku cad waxay takooriddu leedahay todobo aasaas. Halkan ayaad ka akhrisan kartaa wax dheeraad ah oo iyaga ku aaddan iyo waxa ay ka dhiganyihiin.
Jinsi
Micno sidaha jinsi wuxuu ka dhiganyahay in qofi uu yahay nin ama naag. Mamnuucidda ku aaddan jinsi takoorid waxaa sidoo kale soo gelaya dadka qorsheynaya in ay beddelaan ama beddelay ka tirsanaashadooda jinsi ahaaneed.
Aqoonsi jinsi ahaaneed ama tacbiir jinsi ahaaneed
Aqoonsi ama tacbiir jinsiga ka gudba wuxuu ka dhiganyahay in qofi uu isku qeexo naag ahaan ama nin ahaan ama in qofi, habka uu u libbisanyahay (ama si kale), uu ku cabbiro in uu jinsi kale ka tirsanyahay.
Ka tirsanaasho qolanimo
Ka tirsanaasho qolanimo waxaa loola jeedaa halka uu qofku qaran ahaan in qolo ahaanba ka soo jeedo, medebka ama wax la mid ah.
Diin ama wax kale oo la aaminsanyahay
Diinta Hinduuga, Diinta Yahuudda, Kirishtanka iyo islaamku waxay tusaale u yihiin diimaha. Waxyaabo kale oo la aaminsanyahay waa waxyaabaha la rumeysanyahay ee assalka ku leh ama la xiriira aragtida diimeed, tusaale ahaan diinta Buudada, diin aaminsanaan la'aan iyo jiritaan ilaah ka shaki qabid. Laakiinse waxyaabaha la rumeysanyahay ee siyaasadeed ama falsafadeed kuma jiraan.
Cuuryaannimo
Cuuryaannimo waxay ka dhigantahay hoos u dhac xagga karaanka shaqada jir ahaaneed, maskax ahaaneed ama garaad ahaaneed ee qofka la xiriira.
Dabci xagga galmada la xiriira
Sharcigu wuxuu dabciga xagga galmada la xiriira ku qeexayaa sida qaniisnimo, la galmooshada jinsiga kale iyo la galmooshada labada jinsi.
Da'
Da' waxay ka dhigantahay inti uu qofku noolaa. Dadka dhammaantood, iyadoon da' la eegeyn wuu koobayaa xeerka takoorid ka ilaalinta.
3. Dhacdadu waa in ay ku saabsanaataa wax ka mid ah lixda qaab ee takooridda ee xeerka ku jira
(Händelsen ska handla om någon av de sex formerna av diskriminering som finns i lagen)
Sida sharciga ku cad waxaa jira lix qaab oo leysu takooro:
- takoorid toos ah
- takoorid aan toos ahayn
- helitaan xumo
- silcin
- dhibaateyn xagga galmada la xiriirta
- tilmaamo in wax la takooro ah.
Takoorid toos ah
(Direkt diskriminering)
Takoorid toos ah waa marka qof loola macaamilayo si ka xun dadka kale ee ku jira xaaladaha xaaladdiisa la barbar dhigi karo, uuna jiryo xiriir kala dhexeeya mid ka mid ah aasaasyada takooridda. Tusaale ahaan:
- Shaqa bixiye ayaa waxaa u arkaya shaqa doon in uu leeyahay magac ajnabi oo aan caadi ahayn, wuxuu dooranayaa sidaas darteed in uusan qofka wareysi ugu yeerin.
- Maqaayad ayaan soo deyneynin qof, taasina waxay la xiriirtaa in uu qofku qabo naafanimo saameyneysa hadalka ama dhaqdhaqaaqa.
- Bangi ayaa qof deyn u diidaya iyadoo ay sababtu tahay in qofka loo arko in uu aad u weynyahay.
Takoorid aan toos ahayn
(Indirekt diskriminering)
Takoorid aan toos ahayn waa marka uu jiro sharci u muuqda in uu dhexdhexaad yahay laakiin dad uga eexanaya si la xiriirta aasaasyada takooridda. Tusaale ahaan:
- Shirkad shardineysa in la heysto sharci degganaasho oo joogto ah, taasoo takooreysa dadka leh ka tirsanaasho qolanimo oo aan swiidhish ahayn.
- Shaqa bixiye ayaa si aan sabab lahayn shardi uga dhigaya in leysin gaari wadid la heysto, taasoo takoori karta dadka naafada ah.
- Shaqa bixiye ayaa shardi ka dhigaya dhirir ugu yaraan loo baahanyahay, taasoo dumarka takoori karta.
Helitaan karid la'aan
(Bristande tillgänglighet)
Helitaan karid la'aan waa marka meesha shaqadu aysan qaadeynin tallaabo macquul ah si qofka naafada ahi uu hawsha uga qey qaadan karyo.
In tallaab loo arko in ay macquul tahay iyo in kale, waxay tusaale ahaan ku xirantahay in ay shaqadu leedahay duruufaha dhaqaale iyo farsamo ee loo baahanyahay si tallaabooyinka loo qaado. Xeerku wuxuu sidoo kale tix gelin siinayaa haddii ay arrintu ku saabsantahay xiriir waqti gaaban ah ama xiriir waqti dheer ah, tusaale ahaan haddii ay ku saabsantahay booqasho hal mar ah oo dukaan ama haddii ay ku saabsantahay shaqaaleysiin ama waxbarasho waqti dheer ah.
Tallaabooyinka macquulka ah waxaa tusaale u ah in
- maqaayadi ay liiska cuntada kor ugu akhriso qof indhoole ah
- bangi in uu adeeg bangi ku bixiyo tusaale ahaan si booqasho shakhsi ahaaneed ah, khadka e- mailka ama taleefanka
- isbitaal in uu macluumaad ku bixiyo si af ahaan iyo qoraal ahaan ah intaba.
Marka laga hadlayo helitaan karidda dadka naafada ah waxaa xitaa jira xeerar kale oo fara badan oo wax saameynaya (tusaale ahaan xeerka bey'ada shaqada). Haddii si waafaqsan wax ka mid ah xeerarkaas ay urur uga ag jirto helitaan karid la'aan, waxaa taas loo arki karaa takoorid, waxaana sidaas darteed loo ashtakoon karaa DO.
Tallaabooyinka loo arko in ay macquul yihiin waxaa loo qiimeynayaa xaalad kastaba goonideeda.
Silcin iyo dhibaateyn xagga galmada la xiriirta
(Trakasserier och sexuella trakasserier)
Silcintu waa falal meel uga dhacaya qofka sharaftiisa, lana xiriira mid ama dhawr ka mid ah aasaasyada toddobada ah ee takooridda. Waxay ku saabsanaan kartaa faallooyin, baaqyo jir ahaaneed ama in qofka ka qeyb galka loo diido. Tusaale waxaa silcin u noqon kara macallin quursanaya ardayad iyadoo ay sababtu tahay in ay khimaar heysato ama gacanhaye xafiiska shaqada ah oo qof ka dhigaya wax lagu qoslo iyadoo ay sababtu tahay in uu qaniis yahay.
Dhibaateyn xagga galmada la xiriirta waxaa loola jeedaa dhaqan qaab galmo la xiriira oo qofka loo geystay uusan dooneynin. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa in cidi ay cid taataabsato, ay bixiso ammaan, casuumaad ama hadallo maldahan oo aan la soo dhaweyneyn. Waa cidda dulmiga loo geysta cidda go'aan ka gaareysa waxa ay u aragto in uu meel ka dhac yahay. Mararka qaarkood wey iska caddahay in qofka wax dhibaateynaya uu fahmayo in ay wuxu meel ka dhac yihiin. Laakiin waxaa muhiim ah in adigaaga la dulminayo aad kan ku dulminaya u caddeysid in aadan dhaqankiisa soo dhaweyneyn iyo in ay tahay in uu joojiyo.
Tilmaamo in wax la takooro ah
(Instruktioner att diskriminera)
Tilmaamooyin in wax la takooro ah waa marka uu qofi awaamir ama tilmaamooyin ku siinayo qof xaalad ku xirnaasho ku sugan, tusaale ahaan shaqaale, in uu cid takooro. Waxay tusaale ahaan ku saabsanaan kartaa in milkiile maqaayadeed uu shaqaalaha u sheego in nin canbuur wata aan loo adeegin ama qof madax ah oo qeybta HR u sheegaya in aysan shaqaaleysiin dad jira da'a qaasa.
Mamnuucid ku aaddan aar goosasho
(Förbud mot repressalier)
Qofki takoorid ka ashtakooda waxaa jira sharci ka ilaalinaya in la ciqaabo, macnaha in laga aarsado. Waxay aarsashadu tusaale ahaan ku saabsanaan kartaa in shaqa bixiye uu qofka ashtakooday dusha ka saaro shaqo ka culeys badan kuwa kale. Mamnuucidda aarsashadu waxay xitaa khuseysaa haddii ay cidi si waafaqsan xeerka takooridda uga qeyb qaadatay baaritaan. Taasi xitaa waxay khuseysaa marka uu qof wax iska diido ama uu isu keenay dhibka ama dhibaateyn xagga galmada la xiriirta.
4. Dhacdadu waa in ay ka dhacday mid ka mid ah aagagga bulshada ee uu xeerku khuseeyo
(Händelsen ska ha ägt rum inom något av de samhällsområden där lagen gäller)
Mamnuucidda takooriddu waxay khuseysaa aagagga soo socda ee bulshada:
Nolol shaqo
xagga qofka shaqaalaha ah, raadinaya shaqo, sameynaya tababar shaqo ama raadinaya goob tababar shaqo ama goob shaqo loo soo kireystay
Waxbarasho
xagga carruurta, ardayda yar-yar, ardayda waaweyn ama cid waxbarasho raadsaneysa
Hawl la xiriirta siyaasadda suuqa shaqada iyo xiriirin shaqo aan aheyn hawl bulsho
xagga qof shaqada raadinaya ama ku qoran xafiiska shaqada
Billaabidda ama hawlo ganacsi wadidda
xagga qofka billaabaya ama leh shirkad marka laga hadlayo in taageero dhaqaale la raadsado
Ku haboonaasho xirfadeed
xagga qofka codsanaya ogolaasho xirfadeed, aqoonsi shaqo ama oggolaasho la mid ah si loo fuliyo xirfado go'an (tusaale ahaan dhakhtar ama turjumaan la aqoonsanyahay)
Xubinnimo ku aaddan ururrada qaarkood
xagga qofka raadsanaya xubinnimo ama in uu ka qeyb qaato ururro shaqaale-, shaqabixiye- iyo xirfadeed ama doonaya in uu wax ka helo faa'iidooyin ururro nuucan ah
Badeecooyin, adeegyo iyo deegaanno
xagga qof tusaale ahaan soo adeeganaya, maqaayad aadaya ama deegaan raadsanaya
Isu imaasho guud ama kulan guud ahaaneed
xagga qof tusaale ahaan tegi doona xaflad muusiko, suuq ama bandhig weyn
Daryeelka caafimaadka- iyo bukaanka
xagga qof daryeel ka raadsanaya tusaale ahaan isbitaal ama dhakhtar ilko
Hey'adda adeegga bulshada, adeegga safarrada bukaanka iyo kaalmada deegaan baahi waafajinta
xagga qofka tusaale ahaan xiriirka la leh hey'adda adeegga bulshada
Nidaamka ceymiska bulshada, ceymiska shaqo la'aanta iyo taageerada waxbarashada
xagga qof tusaale ahaan Qasnadda ceymiska ka codsanaya kaalmada lacagta waalidka ama CSN ka codsanaya kaalmo lacageed oo waxbarasho
Shaqo qaran- iyo mid bulsho
xagga qof tusaale ahaan maraya dhibbow, raadsanayo ama qaadanaya waxbarasho melateri
Qaabilaadda ku aaddan marka hawlo shaqo oo guud lala xiriirayo
xagga qofka tusaale ahaan la xiriiraya hey'ad dowladeed si uu u helo macluumaad, hagitaan, talo ama caawimaad kale.
Xeerka takooriddu meel kasta kama shaqeynayo
(Diskrimineringslagen gäller inte överallt)
Xeerka takooriddu shaqo kuma laha waxa laba qofood oo shacab ah ka dhex dhaca, tusaale ahaan sida deriska ama qaraabadu ay isula dhaqmayaan. Sidoo kale mamnuucidda takooridda sooma gelayaan waxyaabaha ay ka koobanyihiin xayeesiintu, tv, raadiyaha, warbaahinta bulshada iyo wargeysyada. Aagaggaas laakiin waxaa ka jira xeerar kale iyo sharciyo xudduud u sameynaya waxa la oggolyahay iyo waxa aan la oggoleyn.
Fasaxa waalidka in qofka lagu takooro waa mamnuuc
(Missgynnande av föräldralediga är förbjudet)
Shaqaale ama shaqo bixiye ku jira fasax waalid, geli doona ama ahaa fasax waxaa laga ilaalinayaa in shaqa bixiyuhu uu takooro. Ka ilaalinta takooriddu waxay shaqeyneysaa marka uu qofi fasax waalid ku jiro ama guriga joogyo si uu canug xanuunsan u daryeelo. Tusaale waxaa takoorid ah in aan qofka la shaqaaleysiin, in la geeyo meel shaqadeedu xuntahay ama mushaarkiisu si aan fiicneyn uu u kordhayo.