Vi arbetar för ett samhälle
fritt från diskriminering.

Maxaad samaynaysaa?

(Vad gör DO?)

Wakiilka takooridda (DO) waxa uu ujiraa inuu kuwa loo gaystay takoorid ay helaan dib usixid. Waxaan qabanaa oo baarnaa wargelinada shaqsiga, ku mateli karnaa shaqsiga maxkamadda iyo ilaalinta dhinacyada kala duwan ee kamid ah bulshada. Qayb kamid ah howsheena oo muhiim ah xitta waa in aan dadaalo gacan ka gaysasho ah, tusaale ahaan wadahadal iyo gudbinta aqoonta.

In aan laguu gaysan takoorid waa xuquuq bini’aadanimo oo xiriir dhaw la leh mabda’a ah in dadka oo dhan ay siman yihiin. Mabd’an aasaasiga ah waxa lagu go’aamiyay dastuurka Iswidhen oo ilaalinta ka hanka ah takooridda waxa hagaya sharciga. Howsha Do ee hay’ad ahaan waxa ay ku caddahay sharciga ku saabsna DO. Middani waa meesha ay ka bilaabatay inay jirto DO.

Sharciga ku saabsan DO waxa uu go’aaminayaa in DO ay leedahay korjoogtaynta sharciga takooridda. Taas waxa ku taal xitta in aan iskala shaqayno in takoorid la xiriirta jinsiga, aqoonsiga ka gudbaya jinsiga ama muujin, ka tirsanaanshiyaha qolo, diin ama waxyaalo kale oo la aaminsan yahay, lixaad dhinnaanshiyo, nooca galmoodka ama da’ inaysan ka dhex dhicin qaybaha kamidka ah nolosha bulshada.

Waxa aan matali karnaa shaqsiyaadka la takooray sida uu qabo sharciga takooridda iyo shaqsiyaadka lagu dulmay sharciga fasaxa waalidka.

Howsheena waxa kamid ah ka hortagga takooridda iyo inay gacan ka gaysato dhamaan sinaanta fursadaha iyo xaquuqda.

Waan qabanaynaa oo baaraynaa wargelinnada

(Vi tar emot och utreder anmälningar)

Waan baaraynaa hadii uu dhacay takoorid

DO waxa y qabanaysaa oo ay baaraysaa takooridda, aargoosiga iyo weliba kuwa lagu dulmay sida uu qabo sharciga fasaxa waalidka. Ujeedooyinka baaritaankeena waa in dadka loo gaystay takoorid ay helaan dib usixid, hadii DO ay la noqoto in takoorid ay dhacday, waxa an ka dalban karnaa lacagta takooridda kuwa sameeyey takooridda.

Waxa aan go’aansan karnaa go’aan hubin ah

DO waxa ay go’aansan kartaa go’aan hubin ah taasoo ah in DO ay sheegi karto in howli (cidda la hibinayo) ay jebisay sharciga ka dhanka ah takooridda. Baaritaanku waxa uu kusoo gabgaboobayaa go’aan ku aadan cidda la hubinayay, tussal ahaan shaqo bixiyaha, qabanqaabiyaha tababarka, hay’adda dowladeed, shirkad degaan ama isbitaal.

Go’aanka hubinta waa inuu cadeeyaa waxa uu sharcigu ka dhigan yahay waxa uu ka qaybqaadanayaa in laga hortago takooridda mustaqbalka.

Waxaan shaqsiyaadka ku mateli karnaa maxkamada

DO waxa ay xitta shaqsiyaadka ku mateli kartaa maxkamada, tusaale ahaan marka eedaysanaha (midka ay sameeyey takooridda) uu bixin waayo lacagtii ay DO ay warsatay. Arin maxkamadeed waxa ay ku bilaabmaysaa marka ay DO ay gudbiso dalabka ashtakaynta maxkamada. Markaas maxkamadda ayaa go’aan ka gaaraysa in takoorid dhacday iyo in kale oo ay go’aaminayso cadaka uu eedaysanuhu siinayo dhibanaha (dacwada soo gudbiyay).

Waxan gacan ka gaysanaa sinaanta fursadaha iyo xaquuqaha

(Vi främjar lika rättigheter och möjligheter)

Qayb muhiima oo kamid ah howsheena waa inaan gacan ka gaysano sinaanta dhamaan fursadaha iyo xaquuqaha. Waxa aan fulinaa tusaale ahaan noovyo kala duwan oo wadahadal ah iyo tababaro, horaymarnaa oo gudbinaa aqoonta ku saabsan takooridda, ka jawaabnaa fariimaha soo gudbinta, la soconaa horumarka caalamiga ah ee qaybteena iyo weliba aan qaabab kala duwan kula xiriirnaa xaquuq xambaarayasha ( kuwa ubaahan in xaquuqdooda loo xaqiijiyo) iyo kuwa mas’uuliyadda ximbaarsan ( kuwa ay waajibka ku tahay inay ilaaliyaan xaquuqda dhamaan dadka ay khusayso).

La wadahadal bulshada rayidka

Bulshada rayidka ah waxay ay ku leedahay door muhiim ah kahortegista takooridda oo ay gacan ka gaystaan sinaanta dhamaan fursadaha iyo xaquuqaha. Sidaas daraadeed ayaan usamaynaynaa kulan wadahadal oo soo noqnoqda la yeelanaynaa wakiilada bulshada rayidka ah. Ujeedaduna ay tahay in lays waydaarsado waayo aragnimada takooridda oonaa laga wada shaqeeyo ka hortaga takooridda. Wadahadalku waa inuu xitta ka qaybqaataa kobcinta aqoonta bulshada rayidka ee ku saabsan ilaalinta ka dhanka ah takooridda.

Aqoon kusaabsan takooridda ee kamidka ah qoraalada iyo qoraalo taageero

Qayb kamid ah shaqadeena gacan ka gaysashada ah oo muhiim ahi waa in aan horaymarino, kasoo warbixino oo aan faafino aqoonta ku saabsan takooridda iyo caqbadaha hortaagan sinaanta fursadaha iyo xaquuqaha. Waxa aan tusaale ahaan soo gudbinaynaa warbixino kala duwan oo leh aqoon oo umihiim ah DO iyo dadka kale ee ku howshan shaqda kadhanka ah takooridda ee kamidka ah qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa kale oo aan soo saaraynaa qoraalo kala duwan oo taageero oo laga heli karo boggeena internetka. Waxaan haynaa tusaale ahaa hage-e oo ah waxka qabashada muuqata ee shaqada iyo hage-e oo kadhan ah takooridda marka la kiraynayo guryaha. Waxa kale oo xagaas laga helayaa liisto iyo warbixin rasmiya ( waraaqahaas waxa lagu heli karaa keliya afka Iswidhishka).

Booskeena madaxbanaanida ah

(Vår självständiga roll)

Hay’ado badan oo Iswidhen ah waxa howshooda haga tilmaamo iyo waraaqo sanadle ah oo ay dawladdu go’aamisay waxa ay hay’addu samaynayso. Balse DO waxay taas bedelkeeda leedahay boos madaxbanaaniyeed hab ah in howsheena ay hagayso sharci. Booskaan madaxbaaniyeed waxa uu ina siinayaa inaan si iskeen ah aan usiino dowladda ama unugyada kale aragtiyo quseeya takooridda, inaan soo bandhigno ra’yi sharciyadeed, soo saarno warbixin xaaladda ah iyo inaan si madax banaan aan ugu warbixino hay’adaha caalamiga ee ay qusayso qayb howleedkeena.

Sidinformation

Senast uppdaterad: 6 oktober 2022