Vi arbetar för ett samhälle
fritt från diskriminering.

Warbixin ku socota carruurta iyo dhallinyarada

Ku soo dhowow Xafiiska Ilaaliyaha Sinaanta (DO). DO waa hay’ad dowladda ka tirsan oo u shaqeysa baarlamaanka iyo dowladda Sweden si ay u horumariso sinaanta xuquuqda iyo fursadaha, isla markaana ula dagaallanto takoorka. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan DO, takoorka iyo sida loo gudbiyo cabasho.

Waa maxay takoor?

Takoorku waxaa loola jeedaa in qof loola dhaqmo si ka xun dadka kale. Si wax loo dhaho in ay takoor yihiin,sida uu dhigayo sharciga ka hortagga takoorka, waa in dhibka ama sinaan la’aanta loola xiriiriyo jinsiga, aqoonsiga ama muuqaallada jinsiga ee qofka, qowmiyadda, diinta ama waxa uu qofka aaminsanyahay, jiheynta galmada, naafonimada, ama da’da. Kuwan waxaa loo yaqaan sababaha takoorka.

Kuwaan waa tusaalooyin takoor:

  • Maqaaxi ayaa rabta in kaliya gabdho ay u shaqeeyaan, sidaas darteed waxay diidayaan wiil shaqo codsanaya.
  • Qof ka shaqeeya iskuul ayaa waxuu gabadh ku dhahay hadallo xun oo ku saabsan midabkeeda.
  • Iskuul ayaa arday qaba ADHD u diidaya taageeradii uu u baahnaa.

Waxaa jira lix nooc oo takoorka ah: takoorka tooska ah, takoorka aan tooska ahayn, ka gaabin helitaan, silcin iyo dhibid, xadgudubka galmada iyo tilmaamaha lagu amro qof in uu wax takooro.

Waxaad halkan ka akhrin kartaa wax badan oo ku saabsan noocyada kala duwan ee takoorka.

Takoorka waa mamnuuc qaybaha badan ee bulshada

Takoorku waa in uusan ka jirin Iswiidhan. Waxey tusaale ahaan ku qeexan tahay sharciga ka hortagga takoorka iyo Heshiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta.

Sida uu dhigayo sharciga ka hortagga takoorka, takoorku waa mamnuuc meelo badan, sida:

  • Iskuulka, iskuulka xanaanada iyo xarumaha daryeelka carruurta
  • Goobaha shaqada
  • Dukaamada, suuqyada iyo maqaayadaha
  • Adeegyada caafimaadka (tusaale: xarumaha dhallinyarada iyo xarumaha caafimaadka guud)
  • Gaadiidka dadweynaha (tusaale: basaska, tareennada iyo tareennada dhulka hoostiisa mara)

Maxaa qabata DO?

DO waxay baartaa cabashooyinka ku saabsan takoorka

Qof kasta oo u malaynaya in la takoorey wuxuu u gudbin karaa cabasho DO. Qareennada DO ayaa baaraya waxa dhacay. Haddii ay go’aansadaan in dhacdadu tahay takoor sharci ahaan, DO waxay qofka wax takooray ka dalbi kartaa in uu bixiyo magdhow uu siiyo qofka la takoorey.

Waxaan faafinaynaa aqoon

Waxaan la wadaagnaa siyaasiyiinta iyo dadka kale ee go’aamada gaara sida loo joojin karo takoorka. Tusaale ahaan, waxaanusoo jeedin karnaa in sharciga ka hortagga takoorka lagu dabaqo meelo ka badan kuwa hadda jira, ama in dad badan la gaarsiiyo xogta ah in la samayn karo cabasho takoorka ah oo loo gudbin karo DO.

Waxaan la shaqaynaa kuwa kale

Dad badan ayaa raba in takoorku meesha ka baxo waxeyna hayaan fikrado ku saabsan sida loo joojin karo. DO waxay si wadajir ah ula shaqeysaa hay’ado iyo ururo kale, gudaha Iswiidhan iyo waddamo kale.

Haddii laguu geysto takoorka

Haddii laguugu takoorey iskuulka

  • U sheeg qof ka shaqeeya iskuulka, tusaale ahaan macallin, lataliyaha dhanka caafimaadka ama shaqaalaha qeybaha waqti firaaqaha. Iskuulku waa inuu ku caawiyaa.
  • Haddii aad u malaynayso in waxa dhacay ay noqon karaan takoor, waxaad u gudbin kartaa cabasho DO. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa DO (bogagga dadka waaweyn) si aad u weydiiso su’aalo ama aad talo u codsato.
  • Haddii si xun laguugula dhaqmo iyadoon aan wax xiriir ah la lahayn sababaha takoorka, waxaa laga yaabaa inay noqoto ku xadgudbid. Markaas ka codso caawimo shaqaalaha iskuulka ama maamulaha iskuulka.
    • Haddii uusan iskuulka ku caawin, waa inaad la xiriirtaa degmada ama guddiga maamula iskuulka. Waxaad weydiisan kartaa qof weyn inuu kaa caawiyo taas.
    • Haddii aad weli helin caawimo, waxaad macluumaad ku saabsan waxa dhacay u diri kartaa warbixin wixii dhacay wakiilka
  • Waxaad sidoo kale u sheegi kartaa qof weyn oo aad ku kalsoon tahay. Waxay noqon kartaa waalid, waalidka saaxiibkaa, tababare, ama qof kale oo weyn. Dadka waaweyn way ku caawin karaan.

Haddii laguugu takoorey meel ka baxsan iskuulka

  • U sheeg qof weyn oo aad ku kalsoon tahay. Waxay noqon kartaa waalid, waalidka saaxiibkaa, tababare ama qof kale oo aad aamminsan tahay. Dadka waaweyn way ku caawin karaan.
  • Haddii aad u malaynayso in waxa dhacay ay noqon karaan takoor, waxaad u gudbin kartaa cabasho DO.

Ma ogtahay?

Xadgudubka galmada waa nooc ka mid ah takoorka. Laakiin sidoo kale wuxuu noqon karaa dembi. Dembiyada waa in loo gudbiyaa booliska.

Sidinformation

Senast uppdaterad: 17 februari 2026