Waxbarasho. (Utbildning)

Shaqaalaha kashaqeeya waxabarashada aad dhiganeysid ma´aha in ay cunsuriyad kugusameeyaan, haddii aad tahay ardey wax kadhiganaya meesha ama waxbarasho kale u jooga. Tusaale ahaan haddii aad waxbarasho aad kadhiganeysid dugsiga folkhögskola ka.waa mamnuuc in ay cunsuriyadi ay kadhacaan goobaha dugsiyada,sida sameskolan, iyo SFI, iyo dugsiyada gaarka, iyo komvux.

Waxaa kaloo iyaduna mamnuuc ah in ay ka dhacaan cunsuriyad goobaha dugiyada caruurta hoose, iyo goobaha  caruurt laguhayo marka uu dugsiyadu ay xidhanyihiin (fritid)

Waxaa jira sharci ka soohorjeeda cunsuriyada. Hayada ka soo horjeeda cunsuriyeenta ee looyaqaano Diskrimineringsombudsmannen(DO) waxa ay kontorooshaa iskuulada ama goobaha wax lagubarto, si markaas ay u hubiso in sharciga ka soo horjeda cunsuriyada lagu dhaqmayo. Qof lacunsuriyadeeyo waxa ay macnaheed ka dhigantahy in qofkaas dadka-kale laga hooseesiiyey. Tusaale ahaan haddii uu qofku yahay nin homosexuell,ama qof dumar ah oo iyaduna ah homosexuell.

Sharcigu waxa uu qabaa in aan qofna lacunsuriyadeeynin, ku waas ootusaale ahaan ku wajahan falalkan hoos ku qoran

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Waxaa kaloo jirta dhibaatooyinkale oo qof loo geeysan karo, tusaale ahaan waxaa kamid ah, iyadoo qof la handado,ama loo hanjabo, ama lagu caayo sida uu u egyahay ee uu muuqaalkiisu yahay.

Haddii markaas a ytan oo kale ay dhacdo waxa aad ka dacweeyn kareysaa ururka u qaabilsa Caruurta iyo ardeyda ee loo yaqaano Barn- och elevombudet.

Qofkee ayaa u dacwoonkara hayada DO?

Waad u dacwoonkartaa hayada DO haddii aad tahay arday dhigta dugsiga hoose,ama dugsigasare,ama iskuulo kale oo gaar ah, ama taga sameskolan, ama dhigta waxbarashada dadka waa-weeyn, sida komvux, iyo waxbarashada gaarka ah ee dadka 20 jir iyo wixii kaweeyn ay dhigtaan ee dhibaato ka qaba waxbarasho.

Waxaa kaloo soodacwoonkara ardayda dhigata dugsiyada sar-sare ee heer jaamacadeed ah., iyo kuwa dhigta dugsiyada folkhögskolka, ama dhigta iskuulada kale ee wax lagu dhigto.

Intaas aanu soo sheegnay waxa ay la soo xidhiidhikaraan hayada (DO) oo ay ka soo dacwoon karayaan haddii cunsuriyadi ay timaado

Sidoo kale haddii aad istiraahdid wax barasho tag oo lagugu cunsuriyadeeyo waad la sooxidhiidhikartaa heyada (DO).

Sharcigu waxa uu qabaa in aan qofna lacunsuriyadeeynin, kuwaas oo tusaale ahaan ku waajihan falalkan hoos ku qoran

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Dhacdooyinkee ayaan ka dacwoon karaa?

Cunsuriyadu waxaa ay noqonkareysaa tusaale ahaan haddii qof lagu cunsuriyadeeyo, waxbarasho, ama dugsi jaamacadeed, ama goobo kale oo waxbarasho ah, sababta keenteyna in lagu cunsuriyadeeyona ay tusaale ahaan noqonkareyso in aad tahay bisexuell ama qof u dhashay dalkale oo shisheeya, oo aan aheyn dalka Iswiidhen. Bisexuell macnaheedu waa qofka ka hel ama jeclaada raga iyo dumarka.

Waxaa kaloo cunsuriyad noqon kara haddii maclin ama maamule dugsi uu ku cunsuriyadeeyo, ama qofkale ba.

Dhibaaten qof.Waxa ay ka dhigantahay iyadoo qofka dhibaatooyin uu jacleysaneynin la gaar siiyo. Tusaale ahaan waxaa kamid ah iyadoo lagugu yeedho magac aadan ka raaliaheyn, ama si kaftan ah hadalo xun lagugu yidhaahdo.

Shaqaalaha kashaqeeya ama wax kadhiga dugsiyada caadiga ah, ama dugsiyada jaamacadaha waa mamnuuc in ay ardeykale ama qofkale ay ka codsadaan in uu adiga dhibaato ama cunsurinimo kuu geysto.

Cunsuriyada mar-marka qaar kood way adagtahay in ay muuqato.Tusaale ahaan sharcigu dhamaan dadka oo dhan wuu kasimanyahay.laakinse waxaa dhacda iyadoo taasu jirto ayaa haddana dadkaqaarkii ay dhibaato ka qabaan sidii cadaalad iyo xaqooda ay u helilahaayeen. Waxaana kamid ah dadkaas gabdhaha iyo dumarka.

Waxaa kaloo uu sharcigu dhigayaa in adiga lagucunsuriyadeeyo, falal ay qoysgaaga ay geeysteen awgeed. Tusaale ahaan haddii ay walidkaa ay yihiin homosexuell, sidaas darteedna dhibaato gaar ah adiga laguu geeysto.

Waad uga dacwoonkareysaa heyada Diskrimineringsombudsmannen.
Tusaale: Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dugsiyada waxbarashada,ama jaamacadaha, ama meelo kale oo dugsiyo waxbarasho ah.

  • Haddii masalen ay dhacdo in laguudiido in aadan sii wadan waxbarashadaada, kadib marka aad ka soonoqotay fasax waalidnimo (föräldraledighet).
  • Ama haddii uu macali uu kugcunsuriyadeeyo (transvestit) oo ah macnaheedu nin ku xaragooda ama ku labista dharka dumarka, ama qof dumar ah oo u xaragooda ama ku labista dharka raga.
  • Haddii Imtixaanada jaamacada ay ku aadaan marwalba oo wakhtiyada munaasibada diimaha ah loo xafladeeyo.
  • Ama haddii ay dhacdo in aan laguu ogolaanin in aad adigoo gabadh ah aad u raacdid saaxiibadaa xisadaha waxbarasho ee muusiga.
  • Ama macalinku aan kuu ogolaanin in aad ka qeyb gasho xiisad waxbarashada, sababtuna ay tahay waxa aytahay xanuunka ah ADHD daraatiis.
  • Ama macalinka oo meesha kaa qaada ama kaawareejiya,adigoo aan raali ka aheyn,ama dooneyn.
  • Haddii macali jimaastiiga ama isboortigu uu kuudiido in aad ka qeeybgashid xiisada isboortiga ama jimastiiga, sabatuna ay tahay masarka madaxa kuu saaran awgiis.
  • Ama dugsiyada folkhögskuulada oo qaata kaliya ardayda da-doodu tahay oo kaliya 20 jiro.
  • Ama haddii dugsi waxbarasho ahi uu wax barasho kuugu diido dhaawac argti ah oo indhahaaga kaga dhacay awgood. Ama aragtidaada in dhaha oo xun.
  • Ama haddii laguu diido wax barasho afkaaga hooyo, tusaale ahaan sida luqada samiska ah.

Waa mamnuuc in ciqaab laguugeysto,ama lagugu sameeyo.

Ma aha in ciqaab uu kuu geysto dugsigaaga haddii aad dacweysid. Tusale ku waas oo noqonkara dugsiyada jaamacadaha, ama ama dugsiyo kale.

Ciqaabta laguu geysankaro waxa uu noqonkaraa in tusaale ahaan shahaadooyin aan fiicnayn lagu siiyo, ama shahado aad hooseysa.

Waa maxay dhibaateeyntu?

Qofna kuguma cunsuriyeen karo waxabarashadaada aad dhiganeysid.

Cunsuriyeentu macnaheedu waxa weeye haddii si aan wanaagsaneyn laguula dhaqmo,ama lagu-gu yeedho ama lagu yidhaahdo haddalo aadan jacleysaneynin, ama lagula kaftamo hadalo aadan karaali aheeyn.

Haddii ardey uu dhibaato kugu gaarsiiyo iskuulka ama arday aad isku fasalaad tihiin dugsiga. Waa in aad marka hore aad la socodsiisaa  dhacdadaas qof weyn  ama qof ka shaqeeya iskuulka. Waxaad kaloo aad waydiiysankartaa caawimaad qofkale, si markaas qofkaasi uu kuula hadlo shaqaalaha ka shaqeeya iskuulka.

Cunsuriyeentu macnaheedu waxa weeye haddii si aan wanaagsaneyn laguula dhaqmo, ama lagu-gu yeedho ama lagu yidhaahdo haddalo aadan jacleysaneynin, ama lagula kaftamo hadalo aadan karaali aheeyn.

Sharcigu waxa uu qabaa in aan qofna lacunsuriyadeeynin, ku waas oo tusaale ahaan ku wajahan falalkan hoos ku qoran

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Dhibateen qof ladhibaateeyo waxaa tusaale u ah, haddii qofi si fool xun uu ula dhaqmo dadka. Kuwaas oo tusaale ahaan noqonkara sida dumarka ama homosexuellka ama dadka romerka ah, oo loola dhaqmo si aan caadi aheeyn.

Dhibaateynta qof lagaarsiiyo waxaa tusale markale u ah iyadoo qofka loogu yidhaahdo waxaad tahay ”blatte”, qof madow, ama ”zigenarjävel” midgaan xun,ama ”lappjävel”, ama ”mongo”qof doqon ah, ama ”fjolla” khaniis,ama ”hora” sharmuuto, ama dhilo. Waxaa kaloo dhicikarta in qof in uu kabadhkaaga uu kusawiro calaamada lagu yaqaan faashiistayaasha. Intaas oo dhan waxa ay tilmaan u noqonkareysa in qofka laga cadheeysiiyo, ama se la-handado, ama loo dhaarto, ama si foolxun loola dhaqmo. Inkastoo dadku is ku wada aragti aynen aheeyn, marka ay noqoto xumaatada lagaarsiiyo qof. Qof waxaa laga yaabaa in uu cadi u arko qofna uu xumaato u arko. Qofka la dhaawacay waa adiga, markaa adiga ayey kujirtaa sida aad u aragtid dhawacaas, ama falaalkaas lagu gaarsiiyey.

Waa maxay shukaansiga fooshaxun?

Waxa uu noqon karaa tusaale ahaan galmasho ama isutag labaruux. Waxaa loo yaqaanaa oo kale ku xadgudub. Taas oo macnaheedu u yahay haddii uu qof uu jidhkaaga uu taabto adigoon raali ka aheyn.ama doonaya in uu kula galmado, adiga oo aanandooneynin.ama qof doonaya in uu kutuso muuqaalo sawiro ah, adigoo oo aan doonaynin in aad dawatid. Ama sikale kuula kaftama marka ay noqoto galmashada ama isutag laba ruux, adigoo waliba aan raali kaaheyn arintaas.

Dadku waa kala arigtiyo duwan yihiin, qof basi ayuu u arkaa una turjuntaa marka ay dhacdo arimahan ama falalka aanu soo sheehgnay oo dhan.adiga ayaana ogaan kara haddii wax barashadaada ay mugdi ay kujirto ama aadan haysan waxbarasho aad ku kalsoontahay.

Waxaad u sheegtaa in uu dhibaatada kaa daayo.

Aad ayey u wanaagsantahay in aad u sheegtid qofka ku dhibaateeyey, ama ku dhibaateeynaya in uu kaajoojiyo arimaahaas falalka xunah.Islamarkaana ay muhiimtahay inaad u sheegtid in aadan raali ka aheyn.

Sharcigu sidiisaba waxa uu dhigayaa in falaka xun aanad u baahneyn in aad u sheegtid qofka kugugu sameynaya. Waayo isba wuu garankaraa in ay khald tahay waxa uu sameeynayo ee fooshaxun.

Waa in aad iskala hadashaa ama warqad u qortaa qofka sida xun kuu la dhaqmaya. Waxaad kaloo aad adeegsan kartaa qof kale oo aad taqaanid si markaas qofkaasi uu lahadlo qofkaas dhibaatada kugu sameeynaya.

Haddii goobaha waxbarasho ee wax lagu dhigto ay maqlaan in ay dhacday in qof la fara xumeeyey ama dhibaato kale loo geeystey. Waa in markaas dugsigaasi uu baadhitaan ku sameeyaa sidii ay wax u dhaceen iyo cidii ka danbeeysey. Islamarkaana waa in ay talaabo deg-deg ah ay kaqaadaan sidii loo joo jin lahaa aritaas. Haddii dusigu uu wax ka qaban waayo arintaas dhacday, markaa waxaad ka soodacwoon kartaa hayada (DO).

Sharcigu waxa uu leeyahay haddii qof kashaqeeynaya iskuulka ama dugsiga uu kugu dhibaateeyo, markaas dhibaateeyntaasi wax ay noqonaysaa cunsuriyeeyn. Tusaale ahaan maamulaha dugsiga,ama macalimiinta dugsiga,ama shaqaalaha dusiga. Haddii ay dhibaato kugu hayaan waxa aad kaga dacwoon kareysaa Diskirimineringsombudsmannen (DO).

In qof lagu dhibaateeyn ama lagucunsuriyadeeyn dugsiga waxa ay masuliyadu  saarantahey dusiga ama iskuulka.

Dugsigaagu waa in uu dhibaatooyinka iyo cunsuriyadaha uu ka gaashantaa si aysan u dhicin.

Sharcigu waxa uu leeyahay waa in dugsiyadu iyo jaamacaduhu ay wax kaqabtaan si cunsuriyadi aysan uga dhicin goobaha wax barasho. Macnaheedu waa in mustaqbalka aan lagu arag wax dhibaato ah ama cunsuriyado ah dugsiyada dhexdooda.

Waa mamnuuc, islamarkaana xadgudub in qof ciqaab lagu sameeyo?

Haddii aad iskuulgaaga aad ku dacweysay falal xumooyin awgood. Markaa ma aha in uu iskuulku ama dugsigu uu ku ciqaabo. Tusaale ahaan waxaa uu dugsigu ciqaab kaaga dhigikaraa in lagu siiyo shaado aad u hooseysa.

Waxaa kaloo intaas sooraaca haddii aad dacweeysey iskuulka ama dugsiga in uu san wax ka qaban marka ay noqoto wax kaqabashada cunsurinimada iyo falalka kale ee qaldan.

Waxaad kaga soo dacwoonkartaa oo aad lasoo xidhiidhi kareysaa haddii ciqaab laguu geysto heyada (DO) .

Habkee ayaan uga dacwoodaa DO?

Waxaad laxidhiidhikartaa oo aad uga dacwoonkartaa hayada (DO). Haddii aydhacdo oo aad moodeysid in lagugu cunsuriyadeeyeywaxbarashada.

Haddii lagu cunsuriyadeeyey tusaale ahan qoraaladan oos ku qoran oo kale waxaad lasoo xidhiidhi karta hayada DO. Tusaale.

  • Haddii lagu-gu cunsuriyeeyo dumarnimo ahaan ama raganimo ahaan.
  • Qof shaqsi gaar ah ama leh ama aaminsan aragti gaar ah.
  • Jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Lagu-gu farageliyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay.
  • Haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Waxaad xaq u leedahay oo aad dacweeyn kareysaa iskuulgaaga, ama dugsiga aad dhigatid, ama jaamacadaada, ama meelaha kale ee aad wax kabaraneysid iyo haddii aad aragtid in arday lacunsuriyadeenayo, ama dhibaatooyin kale oo gaar ah laguhayo. Ama haddii uu dugsiga uu lasocdo in dhibaato ardeylagu hayo, laakinse aysan waxbadooneynin in aysan ka qabtaan.

Haddii aad tahay ardey curyaan ah oo jaamacada dhiganaya, dugsigaaguna uunan laheyn ama ugutalogelin adeega curyaamiinta.waxaad markaas aad ka soodacwoon kartaa heyada DO. Tusaalo ahaan haduunan lahey dugsigu meel uumaro baabuurka curyaamiinta.ama qalabka adeega maqalka dhegaha. Ee loogutalagalay dadka  maqalakoodu xunyahay.

Waxaa ka masuul ah dhismaha dugsiga, iyo qalabka dugsiga iyo adeega qalbka waxbarasho,iwm dugsigaaga,ama jamacadaada. Sidaas darteed intaas haddii uusan lahayn iskuul kaagu waxaad ka dacweeynkartaa hayada DO.

Caruurta dhigata xanaanada caruurta, iyo ardayda ka hooseysa dadooda 18 jir, kama dacwoonkaraan DO. Laakiinse waxaa caruurta u dacwoon kara waalidkood, iyo qofka ka masuulka ah caruurta ayaa u dacwoon kara caruurta.

Sidan ayaad sameeynkareysaa.

Haddii aad u maleysid in lagucunsuriyadeeyey, markaa waad dacwoonkartaa.
Caruurta da, dooda ka hooseysa 18jir, ee doonaya in ay kadacwoodaan hayada DO, waxa markaa ogolaansho siinkara,ama u saxeexikara waalidkood ama qofka kamasuulka ah.markaas kadib ayey hayadu u dacwoon kartaa ilaa iyo heer maxkamadeed.

Haddii aad doonaysid in aad u soo dacwootid hayada (DO), waa in markaa dacwadahaaga aad ku sooqortaa magacaaga, cinwaankaaga, iyo telefoonkaaga. Waxaa kaloo fiican haddii aad soo raacin kareysid cinwaankaaga intarnetka ah.

Marka aad soo dawoonaysid waa in aad ku soo qortaa cida aad ka dacwoonaysid. Tusaale ahaan magaca. Dugsiga aad dhigatid ama jaamacada aad dhigatid,ama waxbarasho dugsikale. Waxaad kale oo aad ku soo faah-faahisaa dacwadaada sababta aad ugu maleyneysid in lagu cunsuriyeeyey.
Kusoo kala cadee dacwadaada haddii aad u maleysay in lagu-gu cunsuriyeeyey, jinsiyadaada, ama gaar ahaan adiga ama da´da aad jirtid.

Waxaanu sameynaa sidatan haddii ay waraaqahaaga ay soo gaadhaan hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO).

Marka aad u soo gudbisid dacwadaada hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO), waxa ay hay adu sameysaa baadhitaano.

Waxaanu sigaar ah aanu u akhrinaa una eegnaa dacwadaada, kadibna waxaanu baadhitaan kusameeynaa sida ay wax u dhaceen, iyo cidii kadanbeysey. Cida aad soo dacweyseyna waxa ay iyaguna ay warbixin ay kabixiyaan wixii markaas dhacay.

Haddii markas ay ulamuuqato hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO) in lagu cunsuriyeeyey, waxa aymarkaas ay hayado (DO) isku dayidoontaa in ay idin heshiisiiso adiga iyo cidakale ee aad ka dacwooneysid. Heshiisiintu macnaheedu waxa ay noqonkareysaa in lagu raaligeliyo ama in lacag xaalmarin lagusiiyo.

Haddii wax heshiis ah iyo xaalmarin ah eydinaan ku heshiin weydiin, waxa markaa arintiinu ay noqondoontaa mid u gudubta heer maxkamadeed.

Maxkamadu waa hayad cadaaladeed oo goaankeedu ay ku cadeyso markaas cidiiqaldan.

Hayada (DO) wax lacagah maqaadato haddii aad istiraahdid hayadu ha kucaawiso oo u soodacwood.

Dugsigaaga ama jamacada aad dhigatid maáha in ay ku ciqaabaan, ama ay waxyeelo kuugeystaan, haddii aad kaga dacwootid iyaga heyada (DO).

Waraaqaha ama dukumentyada uu qofkasta uu helikaro ama akhrisankarona.
(Do) waa haayad.sidaas darteedna qofkastana xaq waxa uu uleeyahay in uu akhrisankaro wax alaale iyo wixii warqado hayadeed ah.waxaa kamid ahaankara, waraaqaha loodiray, ama ku socda hayadaha, ama wasaaradaha,iwm. Waraaqaha lagu diro intarnetkaba waxa ay noqonkaraan waraaqahaa aanu soo sheegney.

Laakinse waxaa jirikara waraaqooyin ama warbixino qarsoodi ah.loonayaqaano (Sekretess). Wararka ama warbixinada qarsoodiga ah ee yaala haayada (DO) la ma akhrisankaro.

Haddii aad wax su aalo ah aad qabtid waad la sooxidhiidhi kareysaa hayada (DO).

Haddii aad doonaysid in aad ogaatid sida dacwadaha looqoro, waxa markaas aad lasooxidhiidhikartaa dadka ka shaqeeya haayada ee u xilsaaran baadhitaanada.