Shaqooyinka. (Arbetslivet)

Meeshaad ka shaqeeysid ama qofka masuulka ka ah meeshaas midna kuma cunsuriyeenkaro. Cunsirinimadu  macnaheedu waa qof shaqsi ah oo xaqiisii la dafiray, ama qof kale lagaa hooseeysiiyey.

Goobshaqo ah oo aad ka sheqeeysid lagu-guma cunsuriyadeyn karo. Ama haddii aad tahay qof shaqo doon ah, ama haddii aaad tahay arday dababar u jooga goob shaqo. Waxaa kale oo soo raaca haddii mudo yar laguu qaato in aad ka shaqeysid goob shaqo. Intaas aanu soo magacaawnay oo dhanwaxaa kaa difaaci kara sharciga u degsen cunsurinimada.

Waxa kale oo uu sharcigan u yaala cunsuriyada uu kaa difaacikaraa haddii lagu-gu cunsuriyeeyo goobaha shaqooyinka laga raadsado “arbetsförmedling” ama aad ka qeyb qaadatid waxbarasho uu kuudiray xafiiska shaqo raadiska  “arbetsförmedlin”. Haddii aad kamid tahay ama aad katirsantahay  ururka shaqaalaha, ee markaas  u dooda xuquuqda dadka shaqeeya“fackförbund”, wax ay iyaguna ay kaa caawin karaan in lagu-gu cunsuriyeynin goobaha laga shaqeeyo. Ururadaas u dooda dadka shaqaalaha ah waxaa ka mid ah sida LO, iyo TCO, iyo ururka midoowga  isutaga ah “Unionen”. Wasaaradaha iyo wakaaladaha,oo ay kamid yihiin  wasaarada dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, hayada masuulka ka ah huteelada iyo makhaayadaha, wasaarada masuulka ka ah degmooyinka iyo maamulka gobolka caafimaadka iyo gaadiidka.

Sharcigani waxa kale oo uu kaa difaacikaraa haddii lagu-gu xadgudbo ama cunsuriyad lagu-gu sameeyo, marka aad istiraahdid furo dhaq-dhaqaaq ganacsi, ama ganacsi xor ah, iyo haddii aad codsatid kaalmo dhaqaale oo aad ganacsi ku furatid.

Waxaa kale oo intaas dheer oo uu sharcigani kaa difaacikaraa, kaana caawinkaraa haddii laguudiido aqoonsiga xirfada, oo kamid ah xirfadaha lagu shaqeysto.iyo haddii si sharcidaro ah laguu gu cunsuriyeeyi in lagu siinwaayey lacagta lasiiyo dadka shaqada ey kadhamaato “arbetslösakassa” 

Hayada ama waaxda ka soo horjeedka cunsuriyada ee layidhaahdo “diskrimineringombudsma- -nen(DO)” waxa ay dabagalo ay ku sameeyaan xafiisyada kaladuwan ee laga shaqeeyo, taas oo macnaheedu yahay sidii loo dhaqan galiyo ama loo dhaqan gelin lahaa sharciyada kasoo horjeeda cunsurinimada.

Haddii ay dhacdo in lagu-gu cunsuriyeeyey goobshaqo, waxa markaa aad ka dacweenkaraysaa (DO), ama ururka shaqaalaha “Facket”. Haddii aad xubin ka tahay ururka shaqaalaha ”fackförening” iyaga ayaad marka hore aad dacwadaada aad u gudbinkareysaa.

Cunsurinimaduna waxaa kamid noqonkara haddii ay dhacdo in falal kanookale lagu-gu sameeyo.

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid

Waxaad kaloo aad dacweeyn kareysaa meesha aad kashaqeysid haddii ay dhacdo in laguudiido in aad qaadatid fasax waliidnimo oo aad ilmahaaga aad u doonaysid in aad u qaadatid. 

Qofkee ayaa dacwad u gudbinkara heyada kasoo horjeedka cunsuriyeenta?

Haddii lagucunsuriyadeeyo, islamarkaana shaqaalo aad tahay waad laxidhiidhikareysaa, dacwadahaagana waad u gudbinkartaa, iyo haddii aad tahay qofshaqo raadis ah, ama laguu qaatay meelkale inaad ka shaqeysid, ama aad tahay qof tababar xirfadeed ku jooga goobshaqo. Waxaa soo raaca intaas haddii aad tahay arday isna tababar xirfadeed u jooga goobshaqo.

Haddii lagu-gu cunsuriyeeyo meesha aad u shaqeysid, ama aad cunsurinimo aad u aragtid haddii laguu diido in aad fasax waalidnimo aad u qaadatid ilmahaaga.Waxa markaa aad dacweynkartaa meeshaas lagugu cunsuriyadeeyey.

Waxaa kale oo jirta oo aad dacweynkartaa meeshaad u shaqeysid haddii shaqada laag eryo,oo markaa lagu yidhaahdo shaqadu weykaadhamatay.

Sharciga kasoo horjeeda cunsurinimada ayaa kudifaacikara.

  • Haddii aad tagtid xafiiska shaqada,ama aad ka qeyb qaadatid waxbarashooyinka oo markaas lagugu cunsuriyadeeyo ay bixiyaan xafiiska shaqada.
  • Ama aad xidhiidh la yeelatid ururka shaqada iyo shaqaalaha, ama ururo kale oo shaqaaleed.
  • Ama haddii aad doonaysid in aad ganacsi, ama shirkad aad adigu leedahay aad furatid oo markaas lagugucunsuriyadeeyo, ama aad codsatid lacag dhaqaleed oo aad ganacsi ku bilaabatid.
  • Ama lagugucunsuriyadeeyo adigoo doonaysa in lagu siiyo warqada aqoonsiga xirfadaha.
  • Amalagugucunsuriyadeeyo marka aad laxidhiidhid xafiiska siiya dhaqaalaha dadka ay shaqadu ka dhamaatay.(arbetslöshetskassa)

Sharcigu waxa uu diidanyahay haddii ay jiraan arimo la halmaala, ama ku lugleh, tusaale ahaan sida.

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Dacwadahee ayaan kaga dacweynkaraa (DO) ururka ladagaalanka cunsurinimada?

Cunsuriyadu sideedu waa marka qofkale lagu tunto xaqiisa, ama laga hooseeysiiyo dadkale, ama shaqo loodiido in lasiiyo, sida tusaale ahaan qof (bisexuell) ama jansiyada kale u dhashay.

Cunsuriyeenta waxaa kaloo kamid noqonkara, haddii meesha aad u shaqeysid, sixun oo aan wanaagsaneyn laguula dhaqmo, ama lagu-gu yeedho ama lagu yidhaahdo haddalo aadan jacleysaneynin, ama lagu ceebeeyo. Qof kastoo madax ahi. Waxa uu yahay ama uu matelayaa goob shaqo ah. Cunsurinimado mar-marka qaarkood wey adagtahay in ay muuqato. Sharciyad oo dhami waxa ay wax tar u yihii dhaman dadka oo dhan. In kastoo ay jiraan haddana dad xaqooda lagu tunto, tusaalo ahaan waxaa ka mid ah dumarka.

Haddii lagu-gu cunsuriyeeyo shaqada waxa markaa ku difaacidoona sharcigan. Iyo haddii waliba lagu-gu cunsuriyeeyo suuqa shaqooyinka, iyo wixii kale ee lahalmaala tusaalooyinka hoos kuqoran.

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo la xidhiidhitaanka xafiiska guud ee shaqo aadiska (arbetsförmedlingen).
  • Ama hadii lagugucunsuriyadeeyo kamid noqosho ama iskadiinwaangelin ururka shaqaalaha, ama ururada xuquuqda dadka shaqeeya u dooda
  • Ama haddii lagugugucunsuriyadeeyo haddii aad doonaysid in aad dhaq-dhaqaaq ganacsi aad yeelatid ama aad furatid shirkad, ama aad u shaqeysid shirkada aad adigu leedahay, ama aad doonaysid dhaqaale aad ku aas-aasatiid shirkad aad adigu leedahay.
  • Ama lagugu cunsuriyadeeyo adiga oo aadoonaya in lagu siiyo warqadaha aqoonsiga xirfadaha.

Cunsuriyeeynta suuqa shaqada waxaa kamid noqonkara, sida.

  • Haddii ay jiraan tusaalooyinkan oo kale oo lagu gu cunsuriyeeyey suuqa shaqada.waxa markaa aad ka dacwooynkartaa ururka ka soohorjeeda cunsurinimada.
  • Haddii aad ka mushahaaro yartahay dadka kula shaqeeya.kuwaas oo shaqada aad wada qabatiina ay is ku mid tahay. Sababta aad uga mushahaaro yartahayna aad aaminsantahay in ay tahay cunsurinimo dumar ahaan ama nin ahaan awgeed mid doonta ha noqotee.
  • Haddii aad ka qeyb gashid wareeysi shaqo raadis ah, isla markaana aad sidatid ama aad heysatid shahaadooyin aad u wanagsan, isla markaana shaqadii lagu siin waayey oo laguu diidey. Markaas adigu ay kulamuuqato in laguugu diidey shaqada cunsirinimo awgeed, ama aad aaminsantahay shaqo bixiyuhu in uu kuu arkay in aad tahay qof soo qaldamay oo sita  ama huwan dhar dumar.
  • Haddii lagugu yeedhi waayo wareysi shaqodoonka ah, waliba adigoo heysta shahaado aad u sareysa. Islamarkaana aaminsantahayna sababta keentay in lagu-gu yeedhiwaayey wareysiga shaqo doonka ay tahay magacaaga oo ah mid dal shisheeyeah ama mid ajahanabah.
  • Haddii qofka ka masuulka ah shaqada aad ka shaqeysid uu ku yidhaahdo hadalo foolxun, oo ka mid ah, waxaad tahay qof xun ama qof axmaq ah,ama waxaad tahay qof khaniis ah. Markaas kadibna uu kuyidhaahdo isla qofkasi waan iska kaftamayey ee igama aheyn wax run ah.
  • Haddii aad tusaale ahaan meesha aad ka shaqeysid ka doonatid shaqo bedelitaan ah, oo ah shaqo ka wanaagsan shaqada aad heysatid. Laakiinse lagu siinwaayey shaqadaas aad codsatay ee bedelitaanka ah. Sabata laguugu diidayna aad umaleynaysid in ay tahay qofka masuulka ah oo aan doonaynin in aad ku fadhiisatid kursiyada curyaamada.
  • Ama haddii uu ku yidhaahdo qofka masuulka ihi adigu waxaad tahay qof wanaagsan oo aad u xariif ah, laakinse waxaad tahay qof yar oo aan u qalmin in uu noqdo masuul.
  • Haddii tusaala ahaan laguu diido lacagta lagu bilaabo ganacsiga, sababta keentay in laguu diido aytahay dadaada oo aad u weyn.
  • Haddii aad shaqadaada aad sii wadan weydid kadib markii ay kuu dhamaatay tajaabadii aad ku joogtay goobtaas shaqo in lagu tijaabiyo. Sababta shaqada laguusiin waayeyna ay tahay waxaad tahay qof hooyo ah oo ilmaha caloosha kusida.
  • Ama haddii shaqo bixiyuhu uu ku weydiiyo in aad cudurka eeydhiska aad qabtid(aids). Sababta keentay ee uu kuusu aalo su aashaasna aad u maleynaysid in ay tahay in uu fikrad qalad ah ka qabo dhamaan dadka afrikaanka ah.
  • Ama haddii ay dhacdo in dadka is qaba lagu casuumo xaflad ka dhacday shaqada gudaheeda, laa kiinse aan lagu casuumin qofka kale oo aad wada socotiin, sababta loogu soo casuumi waayey qofkaas aad wadasocotiin aad u maleynasid in ay tahay, qofka masuulka ka ah shaqadaada ayaan jecleyn, ama aan ka helin dadka khaniisiinta ah.
  • Ama haddii lagaa mushahaaro yareeyey dadka kale. Sababta aad uga lacag yartahay aad u maleyneysid in ay tahay, waxaad tahay qof in dhaha wax ka qaba, ama indhoole ah.
  • Ama haddii qofka masuulka ka ah meesha aad ka shaqysid uu kuula yimaado kalmado ama hadalo sida isutaga laba ruux. Ama uu jidhkaaga uu taabto, adoon raali ka aheyn.
  • Ama haddii xafiiska shaqo raadisku uu kaa caawin waayo wax shaqo ah. Ama qofka ka shaqeeya xafiiskaas uu ku yidhaahdo shirkaduhu waxa ay u baahanyihiin dad iswiidhish ah oo kaliya.

Waa xadgudub ama mamnuuc ciqabitaanku.

Haddii ay dhacdo in aad dacweyso shaqadaada ama qofka masuulka kuu ah. Waxaa markaas mamnuuc ah in ciqaab lagugu sameeyo. Ama dadka kale ee kula shaqeeya lagaa hooseesiiyo, ama in ciqaab lagaaga dhigo in aad sacado badan aad shaqeysid.

Xafiiska shaqo bixinta iyo ururka shaqada iyo shaqaaluhu, kuma ciqaabikaraan haddii ay dhacday in aad hore aad u dacweysey cunsurinomo awgeed.

Waamaxay dhibaateentu ama silcintu?

Qofna laguma dhibaateenkaro, ama laguma silcinkaro meesha uu ka shaqeeyo. Qofka madaxda kuu ah kuma dhibaateenkaro, islamarkaana qofkale oo isna meesha ka shaqeeya dhibaati iyo silcis kuuma geysankaro. Sidoo kale laguguma dhibaateenkaro xafiiska shaqo radiska(arbetsförmedling) iyo haddii aad xidhiidh la leedahay ururka shaqada iyo shaqalaha.

Dhibaateen ama silcis loo geysto qof waxa ay tahay macnaheedu, in qofka la dhibaateeyo. Tusaale ahaan waxaa ka mid noqonkara in qofka lagu yidhaahdo hadalo uunan jacleysaneynin ama hadalo foolxun lagula kaftamo.

Dhibaateenta ama silciska waxaa ka mamnuuc haddii ay ulajeedadu tahay sidan.

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Dhibaateenta qof loogeystaa ama la silciyaa waxa ay ka dhigantahay iyadoo qofka si kale oo aan caadi aheyn loolo dhaqmay, ama habkale oo uunan jacleysaneynin loola dhaqmo. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah dumarka,homosexuella, iyo midgaaniinta oo hab biniaadanimada kabaxsan loola dhaqmo.

Dhibaateynta qof lagaarsiiyo waxaa tusale markale u ah iyadoo qofka loogu yidhaahdo waxaad tahay ”blatte”, qof madow, ama ”zigenarjävel” midgaan xun, ama ”lappjävel”, ama ”mongo”qof doqon ah, ama ”fjolla” khaniis, ama ”hora” sharmuuto, ama dhilo. Waxaa kaloo dhicikarta in qof in uu kabadhkaaga uu kusawiro calaamada lagu yaqaan faashiistayaasha. Intaas oo dhan waxa ay tilmaan u noqonkareysa in qofka laga cadheeysiiyo, ama se la-handado, ama loo dhaarto, ama si foolxun loola dhaqmo.

Inkastoo dadku is ku wada aragti aynen aheeyn, marka ay noqoto xumaatada lagaarsiiyo qof. Qof waxaa laga yaabaa in uu cadi u arko qofna uu xumaato u arko. Qofka la dhaawacay waa adiga, markaa adiga ayey kujirtaa sida aad u aragtid dhawacaas, ama falaalkaas lagu gaarsiiyey.

Masuuliydu waxa ay saarantaha qofka masuulka ah, iyo cida masuulka ka ah meesha aad u shaqeysid waa in ay wax ka qabtaan, wixii dhibaato iyo cunsuriyad ku saabsan.

Waa maxay shukaansiga fooshaxun?

Waxa uu noqon karaa tusaale ahaan galmasho ama isutag labaruux. Waxaa loo yaqaanaa oo kale ku xadgudub. Taas oo macnaheedu u yahay haddii uu qof uu jidhkaaga uu taabto adigoon raali ka aheyn.ama doonaya in uu kula galmado, adiga oo aanandooneynin. ama qof doonaya in uu kutuso muuqaalo sawiro ah, adigoo oo aan doonaynin in aad dawatid. Ama sikale kuula kaftama marka ay noqoto galmashada ama isutag laba ruux, adigoo waliba aan raali kaaheyn arintaas.

Dadku waa kala arigtiyo duwan yihiin, qof basi ayuu u arkaa una turjuntaa marka ay dhacdo arimahan ama falalka aanu soo sheehgnay oo dhan.adiga ayaana ogaan kara haddii wax barashadaada ay mugdi ay kujirto ama aadan haysan waxbarasho aad ku kalsoontahay.

Waxaad u sheegtaa in uu dhibaatada kaa daayo.

Sharcigu waxa uu dhigayaa haddii uu qof ku dhibaateynaya, waxaa markaas muhiim ah in qofka ku dhibaateeyey uu ogsoonaado, waxa uu sameeyey in ay khalad yihiin.sidaas daraadeed waxaa ku waajib ah qofka ladhibaateeyey in uu u sheego, una waramo dhibaatadiisa qofka wax dhibaateeynaya.

Qofka dhibaatada kugu haya waxaad u qori kartaa warqad, ama wadahadal ayaad la yeelankartaa. Haddii kale waxaad sameynkartaa qofkale ayaad waxaad ka codsankartaa in uu lahadlo qofkii ku dhibaateeyey. Mar-marka qaarkood dhacdooyinka dhibaatooyinka waa-weeyn u ma baahna in aad la socodsiisid qofkii sameeyey. Sababtoo ah sharcigu waxa uu qabaa qofii dhibaato geystey waa qof og idhibaatada macnaheeda, un badheedhay dhibaatadas in uu sameeyo.

Dhibaateyntu waxa ay noqonkartaa cunsuriyad.

Haddii qof masuul ahi uu ku dhibaateeyo, taas macnaheedu waxa uu markaas noqonayaa cunsuriyad. Waxaa kaloo qalad, iyo mamnuuc ah haddii qof masuul ahi uu qof kugu soodiro in uu dhibaato kuu geysto. Haddii markaas ay taasi dhacdo waxa markaas aad ka dacweeyn kareysaa qofkaas masuulka ah ururka  shaqaalaha, ama hayada DO.

Laakiinse haddii uu qof kale uu ku dhibaateeyo, markaas taa macnaheedu manoqonayso cunsuriyad. laakinse waa in uu ogaadaa,qofka masuulka ahi in dhibaato laguugeystey. kadibna qofkas masuulka ahi waa in uu arintaas wax kaqabtaa,joojiyaana dhibaatadaas. Masuuliyada guudi waxa ay sarantahay qofka masuulka ka ah goobtaas, isla markaana in aan qof lagu dhibaateynin goobtaas.

Haddii ay dhacdo in lagugu dhibaateeyo goobaha laga shaqeeyo, markaa taas macnaheedu waxa ay noqonaysaa cunsuriyad.

  • Haddii lagugu dhibaateeyo xafiiska shaqo raadiska(arbetsförmedlingen), ama ururka shaqada iyo shaqaalaha (fackförbund), ama ururka madaxda shaqaalaha ay ku midoobeen(arbetsgifareorganisation.
  • Haddii lagugu dhibaateeyo shirkad ganacsi ah, ama hayadaha siiya kaalmo dhaqaale dadka raba in ay furtaan ganacsi xor ah.
  • Ama haddii uu ku dhibaateeyo hayad siisa aqoonsiyada xirfadaha, ama haddii lagugu dhibaateeyo (arbetslöshetskassan) hayada siisa kaalmo dhaqaale marka ay dadku shaqada ay ka dhamaato.

Goobaha laga shaqeyo ama qofka masuulka ka ah goob shaqo waa in ay sameeyaan sidii looga hortegi lahaa wax alaale iyo wixii cunsuriyad ku lug leh.

Sharcigu waxa uu qabaa in goobaha laga shaqeeyo ay ka hortagaan wax yaalaha cunsuriyada ah, ee tusaala ahaan ka mid ah in qof wax yeelo lagu sameeyo goobaha laga shaqeeyo. Ka hortegidu macnaheedu waxa uu yahay waa in mustaqbalka aysan dhacin falal xun, ama cunsuriyad ah.

Haddii ay jiraan goob shaqo oo ay tirada dadka ka shaqeeya ay yihiin ilaa iyo 25 qof ama inka badan. Waa in markaas ay jirto qorsho udegsan oo ku waa jihan ka hortegida cunsuriyada.

Waa inay sicad ugu qorantahay qodobada shaqooyinka sidii looga hortegi lahaa in qof dhibaato la gaarsiinin.ku waas oo ay ka mid noqonkaraan. In qof shaqsi ah gaar ahaan loo cunsuriyadeynin,ama in diin tiisa lagu dhibaateynin, ama lagu cunsuriyadeynin, ama wax yaale kale oo uu aaminsanyahayba, iyo in jensiyadiisa uu yahay lagu dhibaateeynin.

Haddii ay dhacdo in qof masuul ahi uu maqlo ama uu arko in qof dhibaato lagu gaaarsiiyey goobta uu ka shaqeeyo. Markaas waxaa waajib ah in islamarkiiba uu wax kaqabto qofkaas masuulka ahi

Haddii markaas uunan wax ka qaban qofka masuulka ahi arintaas.waxa markaas aad u soo dacwoon kareysa ururka shaqaalaha ee looyaqaan ”fackförbund” ama heyada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano ”DO”.arintaas dhacday.

Haddii ay tahay arin ah mid qof dhibaato gaar ah lagu hayo, waa in markaa la joojiyaa dhibaatadaas qofka lagu hayo.

Mana aha in wax lagugusameeyo ama lagu ciqaabo haddii aad soo dacwootid.

Haddii aad dacweysey meeshaad ka shaqeysid ama qofka masuulka ah, waa in markaa aysan dhicin in lagu ciqaabo ama wax lagugu sameeyo.

Tusaale ahaana waxaa ciqaabta ka mid noqonkara sida,in shaqo aad u hooseysa ama aad u xun laguu dhiibo, ama in aad shaqeeysid saacado badan, oo kabadan intii aad caadiahaan aad shaqeyn jirtey.

Waxa kale oo xataa aan ku ciqabikarin xafiiska shaqada(arbetsförmedlinge) iyo ururka shaqaalaha. Haddii ay dhacdo in aad soodacweeysid.

Waxaad kaga dacwoon kareysaa heyada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano ”DO”. ama ururka shaqaalaha ee looyaqaan ”fackförbund” hadii lagu ciqaabo.

Habkee ayaan uga dacweynkaraa?

Waxaad kaga dacwoon kartaa heyada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO).hadii ay kuulamuuqato in lagu cunsuriyeeyey. Haddii aad ka tirsantahay ururka shaqaalaha markaas iyagaba waad uga dacwoonkareysaa. Waxaad kale oo aad kaga dacwoon kartaa heyada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO) haddii lagugu cunsuriyeeyo a-kassa ha.ama waxaad kaga dacwoonkartaa xafiiska shaqada ee looyaqaano arbetsförmedlingen.

Haddii tusaalooyinkan hoosku qoran oo kale lagugu cunsuriyeeyo waxa aad kaga dacwoonkartaa heyada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO).

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Waxaa intaas kale dheer oo aad ka dacwoonkareysaa haddii ay dhacdo in suxunlaguula dhaqmay meesha aad ka shaqeysid, iyo haddii laguu diido fasax waalidnimo ama aad doonaysid in aad qaadatid ilmaha aad dhashay. Haddii ay dhacdo in qof masuul ahi uu maqlo ama uu arko in qof dhibaato lagu gaaarsiiyey goobta uu ka shaqeeyo. Markaas waxaa waa jib ah in islamarkiiba uu wax kaqabto qofkaas masuulka ahi arintaas dhacday. Haddii ay tahay arin ah mid qof dhibaato gaar ah lagu hayo, waa in markaa la joojiyaa dhibaatadaas qofka lagu hayo.

Haddii markaas uunan wax ka qaban qofka masuulka ahi arintaas.waxa markaas aad u soo dacwoon kareysaa ururka shaqaalaha ee looyaqaan ”fackförbund” ama heyada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano ”DO”.

Haddii aad tahay qof curyaan ah,waxa markaa aad xaq aad u leedahay in meesha aad ka shaqeysid ay ahaato,la haatona qalabka loogu talagaly adeega dadka curyaamiinta ah. Waxaa dhici kartaa in laguu sameeyo qalab xafiis oo adiga kuu gaar ah,ama guud ahaan mesha qaabkeeda wax laga bedelo si markaa ay kuugu fududaato in aad ka shaqeysid goobtaas aad joogtid. Waxaa dhici karta in uu noqdo isbedelka qaab ee meeshaa lagu sameeyo mid yar am amid aad u balaadhan. Wixii faa-faahin dheeraad ah ee laxidhiidha arinntaas waxaad wax ka weydiinkartaa ururka shaqaalaha ee looyaqaan ”fackförbund” ama heyada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano ”DO”.

Waxa aad sameenkareysaa sidatan.

Waxa keliya oo kugufilan oo aad sameyn kareysaa haddii lugucunsuriyadeeyo waa adigoo soo dacwooda oo keliya,soona dira dacwad qoraal ah.waxaanad aad ku soo hagaajinkareysaa heyada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano Diskrimineringsombudsmannen (DO). Waxaa kaloo mamnuuc ah in cunsuriyad lagu sameeyo ehelkaaga ama qoyskaaga. Tusaale ahaan haddii uu walaalkaa uu yahay (transvestit) oo ah macnaheedu nin ku xaragooda ama ku labista dharka dumarka, ama qof dumar ah oo u xaragooda ama ku labista dharka raga. 

Haddii aad doonaysid in aad usoo dacwootid hayada (DO), waa in markaa dacwadahaaga aad ku sooqortaa magacaaga,cinwaankaaga, iyo telefoonkaaga. Waxaa kaloo fiican haddii aad soo raacin kareysid cinwaankaaga intarnetka ah.

Marka aad soo dawoonaysid waa in aad ku soo qortaa cida aad ka dacwoonaysid. Tusaale ahaan magaca goobta shaqada,xafiiska guud ee shaqada laga raadsado (arbetsförmedling) ama ururka shaqaalaha ee looyaqaan (fackförbund). Waxaad kale oo aad ku soo faah-faahisaa dacwadaada sababta aad ugu maleysay in lagu cunsuriyadeeyo.

Kusoo kala cadee dacwadaada haddii aad u maleysay in lagu-gu cunsuridiyeeyey, jinsiyadaada, ama gaar ahaan adiga, ama da-da aad jirtid.

Haddii aad dacwoonaysid, waa in markaas aad sida ugu dhakhsahabadan aad u soo dacwootaa. Sababta oo ah dhacdooyinka qaar waxaa dhacda in wakhtigoodu uu dhaco ama laga gudbo. Oomarkaas  aan laga soo dacwoon karin. Haddii markaa dacwadaas wakhtigeeda la dhaafo hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO) waxba kama qaban karto dacwadaada. Haddii aad dacwoonaysid waxaad ku sooqorikareysaa afkaaga hooyo.

Waxaanu sameynaa sidatan haddii ay waraaqahaaga ay soo gaadhaan hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO).

Marka aad u soo gudbisid dacwad hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO), waxa ay sameeyaan baadhitaan. Waxaanu sigaar ah aanu u akhrinaa una eegnaa dacwadaada, kadibna waxaanu baadhitaan kusameeynaa sida ay wax u dhaceen. Cida aad soo dacweyseyna waxa ay iyaguna ay ka warbixinayaan sidii markaas ay wax u dhaceeyn. Haddii markaas ay ulamuuqato hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO) in lagu cunsuriyeeyey, waxa aymarkaas ay hayado (DO) isku dayidoontaa in ay idin heshiisiiso adiga iyo cidakale ee aad ka dacwooneysid. Heshiisiintu macnaheedu waxa ay noqonkareysaa in lagu raaligeliyo ama in lacag xaalmarin lagusiiyo.

Haddii wax heshiis ah iyo xaalmarin ah eydinaan ku heshiin weydiin, waxa markaa arintiinu ay noqondoontaa mid u gudubta heer maxkamadeed.

Maxkamadu waa hayad cadaaladeed oo goaankeedu ay ku cadeyso si cadaalad ah.

Waa mamnuuc ama xadgudub ciqaabitaanku!

Meesha aad u shaqeysid ama cida aad u shaqeysid ma aha in ay ku ciqaabaan, haddii aad kaga dacwootid iyaga heyada (DO),ama ururka shaqaalaha ee looyaqaano (facket) ka.

Ciqaabitaanka waxaa tusaale kamid ah in shaqo aad u hooseysa ama aad u xun laguu dhiibo, ama in aad shaqeeysid saacado badan,oo kabadan intii aad caadiahaan aad shaqeyn jirtey.

Sidoo kale xafiiska shaqada (arbetsförmedlingen) ama a-akssahu wax ciqaab ahi kuguma sameeynkaraan. Haddii ay dhacdo in aad dacweysid oo aad kadacweysid hayada (DO). Iyo haddii tusaale ahaan aad diidid in lagaacawiyo xaga shaqo raadiska.

Waraaqaha ama dukumentyada uu qofkasta uu helikaro, akhrisankarona.

(Do) waa haayad.sidaas darteedna qofkastana xaq waxa uu uleeyahay in uu akhrisankaro wax alaale iyo wixii warqado hayadeed ah.waxaa kamid ahaankara, waraaqaha loodiray, ama ku socda hayadaha, ama wasaaradaha, iwm. Waraaqaha lagu diro intarnetkaba waxa ay noqonkaraan waraaqahaa aanu soo sheegney.

Laakinse waxaa jirikara waraaqooyin ama warbixino qarsoodi ah.loonayaqaano (Sekretess). Wararka ama warbixinada qarsoodiga ah ee yaala haayada (DO) la ma akhrisankaro.

Haddii aad wax su aalo ah aad qabtid waad u imaankartaa haayada (DO).Haddii aad doonaysid in aad ogaatid sida dacwada looqoro, waxa markaas aad lasooxidhiidhikartaa dadka ka shaqeeya haayada ee u xilsaaran baadhitaanada.