Meelaha kale ee bulshoweeynta ah. (Andra samhällsområden)

Sharciga ka soo horjeeda cunsuriyadu, waxa uu kaa difaacikaraa meelo kale oo kala duwan. Waxaa kamid ah meelahaa ee uu sharcigani kaacaawin karo. Tusaale ahaan haddii laguugu cunsuriyadeeyo adiga oo tukaan wax ka iibsanaya, ama doonay in aad guri kireysatid, ama dhakhtar ama cusbitaal tagay, ama se caawimaad u doontay xafiiska camiska guud ee bulshada ee layidhaahdo (Försäkringskassan).

Cunsuriyad qof lacunsuriyeeyaa macnaheedu waxa uu ka dhiganyahay, iyadoo qof xaqiisii hoos loo dhigay.

Hayada cunsuriyada kasoo horjeeda ee layidhaahdo Diskrimineringsombudsmannen (DO) waxa ay shaqeysaa, waxna ka qabaata cunsuriyada.is lamarkaana waxa ay. Dabagal ku sameysaa eegtaana in lagu dhaqmay sharciyada u degsen cunsuriyada.

Haddii lagugu cunsuriyadeeyo tusaale ahan falalkan hoos ku qoran oo kale waxaad lasoo xidhiidhi karta hayada DO. Tusaale.

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.

Waa ayo cida wax dacweynkarta?

Haddii aad tahay qof xanuunsan ama u tagey kaalmo caawimaadeed goobo xafiis, oo markaa suxun laguuladhaqmay ama dadka kale lagaa hooseeysiiyey. Ama haddii aad tahay qof bisexuell ah ama u dhashay dal shisheeye, oo aheyn Iswiidhan.

Waxaa kaloo intaas sooraaca oo aad dacweeynkareysaa haddii siyaabo kaladuwan oo foolxun laguula dhaqmo.

Haddii lagugu cunsuriyadeeyey tusaalooyinka qoraalada ah ee hoos ku qoran oo kale waxaad lasoo xidhiidhi karta hayada DO. Tusaale.

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Goorma ayey tahay in aan wax lacunsuriyadeeynin?

In lagugu cunsuriyadeynin waxaa ka mid ah tusaale ahaan sida.

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo adigoo wax iibsanaya ama wax iska iibinaya,ama shaqo ku jira.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo oo lagaa celiyo meelha dadweynahoo dhan u furana in ay yimaadaan, oo ay ku caweeyaan.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo xafiiska gar-gaarka bulshada, ama xafiiska caawimada gaadiidka dadka curyaamiinya iyo dadka waaweeyn.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dhaqaalaha lasiiyo ardeyda.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo tababarka gurmadka.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo in aad ka shaqeeysid xafiisyada dawlada.

Lama cunsuriyadeeynkaro,qofkasta oo ka shaqeeya xafiisyada dowlada, iyo xafiisyada degmooyinka,iyo kuwa caafimaadka.

Haddii ay dhacdo in degmo ama, xafiis, ama shirkadi ay ku cunsuriyadeeyso, waxa markaas aad sameynkartaa in aad ka soo dacwootid. Haddii ay dhacdo sidoo kale in lagugu cunsuriyadeeyo cusbitaallada, ama “Försäkringskassan”, waad soodacwoonkareysaa.

Laakiin haddii ay deriskaagu ay dhibaatooyin cunsurinimo ay kugu gaarsiiyaan, ugama soo dacwoonkareysid heyada (DO). Waxaad uga dacwootaa taliska ciidanka booliska.

Dacwadahee ayaan ka dacwoonkaraa?

Cunsuriyadu waa marka lagugucunsuriyadeeyo xafiisyada,ama shirkadaha. Ama haddii aad tahay qof ah bisexuell, oo macnaheedu yahay qofka jaclaada ama kahela raga ama dumarka.

Cunsuriyeenta waxaa kaloo kamid noqonkara haddii sixun oo aan wanaagsaneyn laguula dhaqmo, ama lagu-gu yeedho ama lagu yidhaahdo haddalo aadan jacleysaneynin, ama lagu ceebeeyo.

Waxaa kaloo mamnuuc ah oo aan loo adkeysaneynin haddii xafiiska bulshadu ay kugu soo dirto qof. Si markaas qofkaas uu dhibaate uu ku gaarsiiyo.

Cunsurinimado mar-marka qaarkood wey adagtahay in ay muuqato. Sharciyad oo dhami waxa ay wax tar u yihii dhamaan dadka oo dhan. In kastoo ay jiraan dad xaqooda lagu tunto,waxaa ka mid ah ku was dumarka

Tusaalooyinka cunsuriyeeynta.

Waxaa halkan ku qoran tusaalooyin aad kasoo dacwoonkartid haddii cunsuriyad lagu-gu sameeyo.

  • Haddii shirkadaha guryaha kireeya ay kuu diidaan in aad guri aad kireysatid.sabatuna ay tahay waxaad tahay dadka Romka ah.
  • Haddii aad uur leedahay oo markaas dhabarka uu ku xanuunayo, ooadan shaqeyn kareynin. Islamarkaana xafiiska Försökringskassana ay lacagtii xanuunka ay kuu diidaan.
  • Haddii laguu diido in aad soo gashid meelha caweeyska lootago, sababtuna ay tahay waxa aad tahay (transvesist).
  • Haddii aad tahay homosexuell.ama haddii laguu diido in aad soo booqatid qof saaxiibkaa ah oo dhaawac ah. Sabatuna ay tahay matihid qof ehelkiis ah.
  • Haddii laguu diido in aad soo geshid makhaayad wax lagacuno, sababtuna ay tahay wax ay ula muuqataa in aad qabtid dhaawac cp ah.
  • Haddii lagugu faraxumeeyo adigoo ku jira hawl tababar milateri oo qaran ah.
  • Haddii laguu diido in ad iibsatid kaadhka jimicsiga ee lagutalagalay meelaha lagu cayaaro isboortiga. Sabatuna ay tahay masarka madaxa kuusaaran awgeed.

Waa mamnuuc ciqaabitaanku!

Haddii aad dacweeysid shirkad ama wasaarad ama hayad, ma aha markaas in ay ku ciqaabaan. Ciqaabitaankuna waxa uu noqonkaraa in laguudiidi in aad soo geshid dukaanada,ama makhaayad ama goobaha wax laga iibsado.

Waxaa laga yaabaa in ciqaab lagaaga dhigo in aadan soo gelin kareynin dukaanadii, ama makhaayadahii aad ka soo dacweysey hayada la dagaalanka cunsuriyeeynta, ee looyaqaano DO.

Waxaa lagayaabaa oo kale in ay shirkada aad kaga jirtid guriga in ay ku cunsuriyadeeyaan ama ay dhibaato kugu sameeyaan haddii aad soo dacweysey. Waxaa iydana dhicikarta in dhakhtarka xafadu uu ku qaabiliwaayo haddii aad caafimaad aad u doonatid, sababtuna ay tahay in aad hore aad u soo dacweysey.

Haddii lagu dhibaateeyo, ama ciqaab laguu geysto waxaad kasoo dacwoonkartaa hayada DO.

Waamaxay dhibaateentu ama silcisnimado?

Dhibaateen ama silcis loo geysto qof waxa ay tahay macnaheedu, in qofka la dhibaateeyo.tusaale ahaan waxaa ka mid noqonkara in qofka lagu yidhaahdo hadalo uunan jacleysaneynin ama hadalo foolxun lagula kaftamo.

Dhibaato qof lagaarsiiyo waa wax sharciga kabaxsan.laguna xadgudbikarin wixii laxiriira sidatan.

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Dhibaateenta qof loogeystaa ama la silciyaa waxa ay ka dhigantahay iyadoo qofka bini aadan ah si kale oo aan caadi aheyn loolo dhaqmay, ama habkale oo uunan jacleysaneynin loola dhaqmo. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah dumarka, homosexuella, iyo midgaaniinta oo hab biniaadanimada kabaxsan loola dhaqmo.

Dhibaateynta qof lagaarsiiyo waxaa tusale markale u ah iyadoo qofka loogu yidhaahdo waxaad tahay ”blatte”,qof madow, ama ”zigenarjävel” midgaan xun, ama ”lappjävel”, ama ”mongo”qof doqon ah, ama ”fjolla” khaniis, ama ”hora” sharmuuto, ama dhilo. Waxaa kaloo dhicikarta in qof in uu kabadhkaaga uu kusawiro calaamada lagu yaqaan faashiistayaasha. Intaas oo dhan waxa ay tilmaan u noqonkareysa in qofka laga cadheeysiiyo, ama se la-handado, ama loo dhaarto, ama si foolxun loola dhaqmo. Inkastoo dadku is ku wada aragti aynen aheeyn, marka ay noqoto xumaatada lagaarsiiyo qof. Qof waxaa laga yaabaa in uu cadi u arko qofna uu xumaato u arko. Qofka la dhaawacay waa adiga, markaa adiga ayey kujirtaa sida aad u aragtid dhawacaas, ama falaalkaas lagu gaarsiiyey.

Waa maxay macnaheedu shukaansiga fooshaxun?

Waxa uu noqon karaa tusaale ahaan galmasho ama isutaga labaruux.waxaa loo yaqaanaa oo kale ku xadgudub.

Taas oo macnaheedu u yahay haddii uu qof uu jidhkaaga uu taabto adigoon raali ka aheyn, ama doono in uu kula galmado, adiga oo aanandooneynin, ama qof doonaya in uu kutuso muuqaalo sawir ah, adigoo oo aan doonaynin in aad daawatid, ama sikale uu kuula kaftama marka ay noqoto galmashada ama isutaga, adigoo  aan raali kaaheyn arintaas.

Dadku waa kala arigtiyo duwan yihiin, qofbasi ayuu u arkaa una turjuntaa marka ay dhacaan arimahan aanu soo sheegnay oo dhan. Adiga ayaana ogaan kara haddii dhibaato lagu gaarsiiyey iyo inkale.

Qofka dhibaato kuguhaya,waa in aad u sheegtaa,oo aad tiraahdaa iga jooji dhibaatada.

Aad ayey u wanaagsantahay in aad la socodsiisid una sheegtid qofka ku dhibaateeyey in aadan raali ka aheyn xumaatooyinkaas fooshaxun. Waxaad kaloo aad lahadlikartaa unas heegi kartaa dhibaatadaada qofkale, si markaas uu qofkaasu uu ula hadlo qofka ku dhibaateeyey in uu kaadaayo dhibaatada.

Sharcigu sidiisaba waxa uu dhigayaa in falaka aad uxun –xun u ma bahna in aad u sheegtid qofka kugusameeyey waayo isba wuu garan karaa in ay khald tahay.sidaas darteed sharcigu waxa uu qabaa in ay tahay arin dhibaato ah.

Waxaad u sheegi kartaa kana dacweynkartaa hayada DO haddii lagu ciqaabo ama lagu dhibaateesiiyo.

Sidee ayaan ugu dacawoonkaraa hayada DO?

Haddii cunsuriyad lagugu sameeyey, waxaad markaas kaga dacwoon kartaa hayada DO.

Tusaale ahaan wixii laxiriira sida hooskuqoran.

  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo dumar ahaan ama raga ahaan.
  • Hadii lagugu cunsuriyadeeyo shaqsiyada ahaan ama aaminsan aragtiyo gaar ah.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo jansiyaadaad aad u dhalatay.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo diintaada ama waxa aad aaminsantahay oo kale.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo haddii aad tahay qof curyaan ah.
  • Haddii lagugucunsuriyadeeyo Haddii aad tahay qof dhedig ah ama lab ah, iwm.
  • Haddii lagugu cunsuriyadeeyo cimriga dadaada aad tahay ama aad jirtid.

Waad dacweeynkareysaa haddii ay degmooyinkooyinku, ama shirkaduhu, ama xafiisyadu ay ku cunsuriyadeeyaan.sidoo kale waad dacweeynkareysaa haddii cusbitaaladu ama hayada caymiska guud ee looyaqaano (försäkringskassan) ay ku cunsuriyadeeyaan.

Lakiinse ugamasoodacwoonkareysid hayada DO haddii deriskaaga ay ku dhibaateeyaan.waxaad uga dacwoonkartaa saldhiga booliska.

Sidan ayaa kuu banaan oo aad sameynkartaa.

Haddii aad u maleysid in lagucunsuriyadeeyey, markaa waadsodacwoonkartaa.
Haddii ay dadaadu ka hooseyso 18jir waa in markas waalikaaga ama qofka kaa masuulka ahi uu ogolaado in hayada DO ay kuudacwoodo ilaa iyo heer maxkamadeed.

Waxaa kaloo mamnuuc ah in cunsuriyad lagu sameeyo ehelkaaga ama qoyskaaga. Tusaale ahaan haddii uu qof ehelkaa ka midah uu yahay homosexuella.

Waa in aad iska markaas dacwadahaaga aad ku sooqortaa magacaaga, cinwaankaaga, iyo telefoonkaaga. Waxaa kaloo fiican haddii aad soo raacin kareysid cinwaankaaga intarnetka ah.

Marka aad soo dacwoonaysid waa in aad ku soo qortaa cida aad ka dacwoonaysid. Tusaale ahaan magaca shirkada,ama hayada.Waxaad kale oo aad ku soo faah-faahisaa dacwadaada sababta aad ugu maleysay in lagu cunsuriyeeyey. Kusoo kala cadee dacwadaada haddii aad u maleysay in lagu-gu cunsuriyeeyey, jinsiyadaada,ama diintaada aad heysatid,ama haddii aad tahay qof curyaan ah

Haddii aad dacwoonaysid, waa in markaas aad sida ugu dhakhsahabadan aad u soo dacwootaa.

Waxaanu sameynaa sidatan haddii ay waraaqahaaga ay soo gaadhaan hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO).

Marka aad u soo gudbisid dacwad hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO), waxa ay sameeyaan baaritaan.

Waxaanu sigaar ah aanu u akhrinaa una eegnaa dacwadaada, kadibna waxaanu baadhitaan kusameeynaa sida ay wax u dhaceen. Cida aad soo dacweyseyna waxa ay iyaguna ay warbixin ay kabixiyaan wixii markaas dhacay. Haddii markas ay ulamuuqato hayada kasoo horjeedka cunsuriyada ee looyaqaano (DO) in lagu cunsuriyeeyey,waxa aymarkaas ay hayado (DO) isku dayidoontaa in ay idin heshiisiiso adiga iyo cidakale ee aad ka dacwooneysid. Heshiisiintu macnaheedu waxa ay noqonkareysaa in lagu raaligeliyo ama xaalmarin lacageed lagusiiyo.

Haddii wax heshiis ah iyo xaalmarin ah eydinaan ku heshiin weydiin, waxa markaa arintiinu ay noqondoontaa mid u gudubta heer maxkamadeed.

Maxkamadu waa hayad cadaaladeed, goaankeedu uu ku dheehanyahay cadaalad.

Waa mamnuuc ciqaabitaanku!

Haddii aad dacweysey tusaale ahaan,dukaan,ama shirkad ku cunsuriyadeeyey, markaas waxaa xadgudub ah in ay ku ciqaabaan.

Waxaad uga soodacwoonkartaa haddii lagu xciqaabo heyada DO.

Waraaqaha ama dukumentyada uu qofkasta uu helikaro, akhrisankarona.

(Do) waa haayad.sidaas darteedna qofkastana xaq waxa uu uleeyahay in uu akhrisankaro wax alaale iyo wixii warqado hayadeed ah.waxaa kamid ahaankara, waraaqaha loodiray, ama ku socda hayadaha, ama wasaaradaha, iwm. Waraaqaha lagu diro intarnetkaba waxa ay noqonkaraan waraaqahaa aanu soo sheegney.

Laakinse waxaa jirikara waraaqooyin ama warbixino qarsoodi ah.loonayaqaano (Sekretess). Wararka ama warbixinada qarsoodiga ah ee yaala haayada (DO) la ma akhrisankaro.

Haddii aad waxsu aalo ah aad qabtid waad la sooxidhiidhikartaa (DO).